(SAWIRO): Madaxweynaha Kenya oo walaac xooggan ka muujiyey Khilaafka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay inay Kalsooni-darro ka dhex jirto DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, taasina ay caqabad ku tahay Dadaalka lagu doonayo Nabadda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in ay walaac xooggan ka qabaan Khilaafka gudaha ee u dhexeeya DFS IYO Dowlad-gobaleedyadda, wuxuuna sheegay inuu Khilaafkaasi caqabad kale ku noqonayo Hawlgalka AMISOM.

Ciiddanka Kenya waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii 2011-kii.

“Xiriirka sii sumaanaya ee u dhexeeya DFS iyo Maamul-gobaleedyadda waa walaaca ugu weyn oo aan qabno: ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo shalay la kulmay Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika (AFRICOM) General Thomas Waldhauser oo ay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka Somalia iyo Taageeradda Maraykanka ee Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media