Magaalada muqdisho waxaa amanta ka furmay shir looga hadlayay sameynta qorshaha Amniga Qaranka ee 2020,kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada mniga Soomaaliya.
Qorshaha shirkaan ayaa ah mid la xiriira si loo heli lahaa qorsho amni Sadanka 2020,si loogu guuleesto sugida amniga dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeybaglay Masuuliyiin ka kala socday dowlad goboleedyada dalka ka jira,iyo sidoo kale wufuud heer Caalami ah,wxana furay shirka Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.
Wasiira oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaradu ay diyaarisay qorshooyinka dhanka amniga ah,waxa uuna arintaan uga mahad celiyay Beesha Caalamka oo uu sheegay in ay ka caawiyeen.
Sawirro