Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo kulanka looga hadlay Arrimo kala duwan.
Wasiir Beyle iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka wada hadlay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diiwaangalinta casriga ah ee (biometric).
“Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada oo War qoral ah kusoo Goordhow bogiisa Facebook.
Kulanka dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Xarunta Wasaarada Maaliyada oo ku taalla Magaalada Muqdisho.