Saakay waaberigii ayaa dagaal beeleed waxa uu ka qarxay deegaanka Dhumay ee duleedka Koonfureed ee Magalada laas-Caanood ee Gobolka Sool
Dagaal beeleedkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawc ayaa waxaa ka hadlay Waxgaradka Gobolka Sool ee deegaanada Puntland.
Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo qaar ka.mid ah Odayaasha Dhaqanka Puntland ayaa waxa ay baaq nabadeed u direen beelahaas saakay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka dalbaday labadaasi beeleed ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka,isla markaana miiiska wadahadalka wax walba ku dhameeyaan.
Colaada u dhaxeysa labada beelood ayaa ah mid soo laab laabatay,iyada oo dhowr mar ay fashilmeen wadahadallo lagu xalinayay,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay kala dhex galeen labada maleeshiyo beelees.