Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uu hoggaaminayay kuxigeenka Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay Magalada Baydhabo kula kulmeen musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay uga hadleen sidii doorashada Madaxweynaha KGS ay si huufan ug dhici laheyd iyo in musharixiinta ay dhowraan xasiloonida.
Ku xigeenka Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Zenenga ayaa balan qaaday in ay Qaramada Midoobay ay taageere ka geysaneyso geeddi-socodka doorashooyinka,isla markaana ay garab siin doonto Masuulka loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Musharixiinta kulankka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Muqtaar Roobow,Xuseen Cismaan Xuseen oo ah taliyihii hore ee NISA iyo Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftgareen oo ka mid ahaa Golaha Wasiirada Soomaaliya.
17 Bishan ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana haatan muuqan saansaan ay ku dhici karto doorashadaas.