Wafdiga ka socday Dowladda Qatar ayaa safarkooda Magalada Hobyo,waxa ku wehlinaya Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlaamanka Soomaaliya,waxaana ay halkaasi u tageen sahmin ay ku sameyn doonaan dhismaha ku socda dekada Hobyo iyo arrimo kale.
Wafdiga ayaa kormeer ku tagay halka laga dhisayo dakada hobyo uu dhawaan uu dhagax dhigay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo,kadib booqashadii uu ku tegay.
Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdiga ka socda Wasaarada dekadaha Dowladda Qatar waxa ay booqan doonaan dhowr goobood oo ka tirsan Xeebta Magalada Hobyo,waxana sidoo kale dhawaan la filayaa in ay booqdaan dekada degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.