Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo lagu soo dhaweeyay Baladweyne.
Wafdiga ka socda dowladda ee gaaray Baladweyne ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre,waxaana qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan.
Wasiirka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Baldweyne ay kula kulmi doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale kualnkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal buuxa looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu soo sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ka taagan Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay xilka qaadis lagu sameeyay Yuusuf Dabageed,waxaana halkaasi ka dhacay dhowr jeer oo hore Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Waare laguna taageerayo Dabgadeed.