Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa xarunta dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye kula kulmay Saraakiisha dhalinyarada ah ee Booliska, kuwaasi oo ka howl gala Xafiisyada Taliska guud iyo Saldhigyada gobolka Banaadir.
Kulaankaasi, ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Akadheemiyada Booliska, Waxaana looga hadlay kulanka darda gelinta shaqada, kor u qaadista Aqoonta iyo Xirfadda Saraakiisha iyo Ciidanka iyo arrimo kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo la hadlay Saraakiishii maanta uu la kulmay, ayaa u sheegay in loo baahan yahay in la dardar geliyo sugida Ammaanka, islamarkaana Masuuliyad ay iska saaraan shaqada Ciidanka.
Gen. Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa kula dardaarmay Saraakiishaasi Howlkarnimo inay la yimaadaan, isaggoo tilmaamay Saraakiisha dhalinyarada Ciidanka Booliska in ay yihiin Madaxda dalka hoggaamin laheyd Mustaqbalka.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli jaamac Gorod oo uu wehliyo Abaanuulaha Ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood,ito Saraakiil kale ayaa Maanta waxa ay kulan gaar ah la qaateen Saraakiisha dhalinyarada ah eek u jira Ciidanka xooggad alka Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii Saraakiisha Dhalinyarada ah uga qeyb qaadan lahaayeen.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Cabduweli jaamac Gorod ayaa Saraakiisha Dhalinyarada ah eek u jirta Ciidanka xoogga dalka waxa uu kula dardaarmay in ay siweyn uga qeyb qaataan howlgallada looga soo horjeedo Al-Shabaab.