Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug aya Maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga Taliye Indha-Qarshe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Masโuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug,kan Degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa si wada jir ah tababar ugu soo xiray Magaalada Gaalkacyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ee Xooga dalka Soomaaliya.
Munaasabadda Ciidanka tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Danab ee Maamulka Galmudugย iyo In ka badan 70 askari,kuwaasi oo dhameystay tababar muddooyinkii dambde u socday.
Ugu dambeyntii Munaasabada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Galmudug Cabdicasiis Cabdullaahi,sidoo kalena waxaa Ciidamada lagula dardaarmay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin.