Sawirro:-Taliye Gorod iyo Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Saraakiil ka socotay Hay’adaha Un-ka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka gen.Cabdiwali jaamac Gorod ayaa Maanta waxa ay kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan UN iyo AU kuwaas oo qayb ka mid ah ciidamado isku dhaf ah tababar uga socday magaalada Galkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo dardaaran u jeediyay ciidamada isku dhafka ah ayaa yiri.

“ma dooneyno in mardambe la arko ciidamo isku dilaya qaab qabiil kuwa wadooyinka xiranaya looma aabe yeeli doono waala iska dhicinaya kuwa la doonayo in magaalada Gaalkacyo amni ka dhigaan waa idinka ee waalidiintiin iyo caruurtiina colaada ha u horseedidinee nabadeeya dulka”

Dhanka kale Taliyaha ciidamada xooga dalka Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa isna sheegay in ujeedka ay Gaalkacyo u yimaadeen isaga iyo madaxweyne Xaaf ay tahay in la furo jidadka Xiran ee Gaalkacyo kuwaas oo mudooyinkan xirnaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media