Sawirro:-Shirka Mideynta Canshuuraha dalka oo Goordhow furmay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo goordhow ku daah furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, waxaana ay xooga saareysaa sidii loo mideyn dhaqaalaha guud ahaan dalka, iyadoo dhawaan Hay’adda Lacagta Aduunka ee loo soo gaabiyo IMF ay soo dhaweysay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay Hanaanka maamul Maaliyadeed.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Shirka ka furmay Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media