Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Goordhow ka furmay shirka Gudoonka Baarlamaanada Dowlad goboleedyada iyo Golaha Shacabka kaas oo shalay dib u dhacay.
Shirka ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar,waxana sidoo kale Goobjoog ka ah gudoomiye ku xigeenkiisa labaad, iyo Gudoomiyaasha Baarlamaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Galmudug,balse waxaa ka maqan Gudoomiyaha Baarlamanka hir-Shabeelle.
Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa  muddo saddex cisho ah iyada looga hadlayo sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Golaha Shacabka, si loo xoojiyo federaalka dalka.
Gaba gabada shirkaas ayaa waxaa la filayaa sida uu qorshuhu yahay in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay shirkaas.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Shirka.