Maanta ayaa waxaa deegaanka Qabno-Ciid o ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka furmay shir dib u heshiisiin loogu sameynayo laba beelood oo wada dagaalamay.
Odayaal dhaqameed ka kala yimid degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan Saraakiisha Ciidamada ayaa tuulada Qabna-Caad isugu tagay si xal looga gaaro dagaalka dhex maray labada beelood.
Odayaasha labada beelood ayaa ka tashaday sidii loo xalin lahaa dagaalkii horay u dhacay si bulshada ku nool deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ay nabad ugu noolaadaan.
Shirkaas qabsoomidiisa ayaa waxaa kaalin weyn ka geystay Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo ay ka soo kala jeedaan beelaha dagaalamay,waxaana shirkaas uu socon doonaa mudo ku dhow laba todobaad.
Si kastaba degmada Matabaan iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa ku soo lab laabtay dagaal beleedyaa,waxaana dhowr mar fashilmay qorshooyin dib u heshiisiin loogu sameynay.