Shil sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Hargeysa.
Shilkan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada lafaruug iyo Xamaas oo ka tirsan Gobolka Saaxil ee Hargeysa,isla markaana waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo ahaa mid nooca Soomaalilada u taqaano Candho-Meydle iyo mid kale Bas ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Damal,kaasi oo siday dad rakaab ah,waxaana halkaasi ku geeriyooday 8 ruux.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka,kuwaasi oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay Shilkan ka dhacay duleedka Berbera,waxaana dadkii dhaawacyada ahaa badankood la geeyay Isbitaalka Berbera.
Dhinaca kale maalintii shalay aheyd ayaa Shil culus oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somailand.