Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dib ugu laabtey Magalada Baydhabo kadib markii uu Muqdisho uga qebgalay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowlada Dhaxe .
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa Magaalada Baydhbo ku soo dhaweeyay uu Masuulyiinta ay ka mid ahaayeen  Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed,   Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Golaha wasiirada, Odayaasha iyo Ururada Bulshada qeybahooda kala Duwan.
Soo dhaweyn kadib  Shariif Xasan ayaa Warbaahinta uga waramey Safarkii uu uga maqana Magalada Muqdisho kaas oo uu uga qeybgaley Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhaxe ,isaga oo intaas kadib kulan la yeeshay
Golaha wasiirada Koonfur Galbeed Soomaliya waxana uga waramey Wixii ka soo baxay Shirkii Moqdisho ka dhacay.
Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa uu sidoo kale booqday Madaxtooyada Cusub oo iminka Dhismaheeda Meel gabagaba ah ay mareyo isagoona indha indheeyay xafiisada Madaxtooyadaasi.
Hoos Ka Daawo SawirradaÂ
Sawirro:-Shariif Xasan oo kormeeray Xarunta Madaxtooyada Cusub ee Magaalada Baydhabo