Sawirro:-Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku-dhiibay Ciidamada Dowladda

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay soo bandhigeyn Sarkaal ay sheegeen in uu ka mid ahaa Al-Shabaab balse isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xuseen Maxamuud Ramadaani,waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista Zakawaadka sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq.

Sidoo kale Takiye Isxaaq ayaa waxa uu sheegay in sarkaalkaas oo ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose,kaas oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Warkaan ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka iyo Sarkaalka ay soo bandhigeyn weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab.

Comments
Loading...