Sawirro:-Qodobo ka soo baxay kulan xasaasi ah oo lagu qabtay degmada Doolow

Duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu qabtay kulan loog hadlayey Amniga Gobolka Gedo,la dib markii maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah dhinaca Amniga.

Kulanka ayaa waxaa ka  qayb galaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Gobolka gedo,Gudoomiye yaasha Degmooyinka Luuq,Doolow Iyo balad xaawo,taliyaha Hay’ada Nabadsugida Iyo sirdoonka Jubaland qaybta Gobolka gedo iyo Saraakiil Ciidan oo kala duwan oo uu ka mid yahay Gen Jamaal Xasan Saray.

Kulanka waxyaabaha gaar ka ah ee lagu falanqeeyey waxaa kamid aha sida Gobolka looga hergalin lahaa Xabsi adag oo lagu ilaaliyo maxaabiista gaar ahaan kuwa lagu qabto Dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiishii iyo masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankaas ayaa waxa ay go’aamiyeen in la qaado  howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo laga sameeynayo dhammaan degmooyinka gobolka Gedo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor