Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed C/laahi (Kaniif) ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhusamareb waxaana soo dhowayn u sameeyey Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida Qaybaha Booliiskuna ugu horeeyaan ee ka Howlgala Galmudug.
Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya ayaa waxa uu u yimidi Howlo Shaqo waxa uuna Kormeer ku tagi doonaa Talisyada Booliiska Soomaaliyeed ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Inta uu ku sugantahay deeganada Galmudug waxaa waxaa la sheegay in isbedel mug leh lagu sameyn doono Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Saldhigyada Booliiska degmooyinka Galmudug.