Sawirro:-Safaarada Itoobiya ee Magalada Asmara oo dib loo furay

Mudo 20-Sano ah kadib waxaa markii ugu horeysay dib loo furay Safaaradii Itoobiya ay ku laheyd Magaalada Amara ee Caasimadda dalka Eritria.

Munaasabada furitaanka waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Eritria Asaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed,waxaana furitaanka Safaarada ay ka dambeysay kadib heshiiskii soo celinta xiriirkii ee dowladaha Itoobiya iyo Eritria.

Safaaradda Itoobiya ee Asmara oo mudo 20-sano ah xirneyd ayaa waxaa horay uga muuqday burbur xoogan balse dib u dhis lagu sameeyey,waxana Maanta siwadajir ah xariga uga jaray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritria Asaias Afwerki.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor