Sawirro:-Xildhibaano taageersan Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Bayaan ka kooban 10 Qodob

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxa ay kasoo horjeesteen mooshinka Madaxweyne Farmaajo ka gudbiyeen Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulankooda kadib ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaafadeed ka kooban laba bog,iyaga oo ku sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweynaha uu buray.

Xildhibaanada kulanka yeeshay oo gaarayay in ka badan 134 Mudane ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,iyaga oo ugu baaqay In uu furo kulamada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwa difaacayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo Xildhibaano kale ay mooshin ka gudbiyeen,waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor