Sawirro:-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta dhagax dhigay Xabsi cusub

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax dhigay Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa lagu sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media