Barqanimadii Maant ayaa mar qura waxa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa siagar ah uga dhacay Suuqa Bartamaha sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah Shacabka magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhawaca dad kale,waxaan sidoo kale rasaas kale laga maqlay halka loo yaqaano Isgoyska bile Rafle.
Dhanka kale Ciidamada Iskudhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa haatan ku guda jira in ay kala dhex galaan Maleeshiyaadkaas dagaalmay.
Hadaba Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaas waxaan ka wareysanay Wariye Saadaq Siciid Nuur.