Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ku waramaya in Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Magaaladaas uu kusoo dumay qoyskii ku noolaa.
Guriga soo dumay ayaa ku yaalla Xaafada lagu magacaabo Birjeex oo ka tirsan Magaalada Hargeysan, isla markaana waxaa ku geeriyooday Qoyskii noolaa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.
Allaha u naxariistee waxaa halkaas ku geeriyooday laba Caruur ah, Aabahood iyo Hooyadood, kuwaasi oo dhammaantood ku sugnaa Guriga soo dumay, waxaana Meydadka laga soo saaray dhismaha hoostiisa.
Waaxda Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Somaliland ayaa tegay goobta, kuwaasi oo soo qaaday Meydadka, isla markaana waxaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Hargeysan.