Wararka aan ka heleyno Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Feeraalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay, kadib markii Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sugnaa Shabeellaha Hoose ay socdaal ku aadeen meel uu kasoo jabsaday Webiga Shabeelle, iyagoona doonayay inay soo xiraan, hayeeshee ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Al-shabaab.
Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Biyaha Webiga Shabeelle lagu furay xaafado ka tirsan Degmada Awdheegle, isla markaana uu sameeyay dad u badan beeraley oo ku dhaqan Xaafadda lagu magacaabo Malable.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in agagaarka laga furay biyaha Webiga Shabeelle laga maqlay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaasi oo la tilmaamay in wax Khasaaro uu ka dhalan.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha uu geystay dagaalkii xalay Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray qeybo kamid ah Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.