Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gurmad u fidisay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay Ka dhacay Magaaladda Baydhabo, ee Dowladda Goboleedka goonfur galbeeda Soomaaliya .
Qaar ka mid ah dadkii qaraxaas ku dhaawacmay ayaa Maanta la keenay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho si loogu daweeyo.
Isbitaalka Mogadisho Somali Turkish Hospital (Ex Digfeer) oo dadkaasi la geeyay dhaawacyadooda ayaa waxaa Maanta ku booqday Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr .Cabdullaahi Xashi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay amray in xukuumadda Soomaaliya ay gurmad deg deg ah u fidiso dadkii qaraxyadaas ku dhaawacmay,waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay dawooyin Maanta gaarsiisay Magalada Baydhabo.