Sawirro: Q/Midoobay oo tababar u qabatay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Hay’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliyeed oo kaashanaysa Jamacadda Accord (Accord University) ayaa tababar u qabatay urrurada bulshada Rayidka ah, dadka u dooda xuquuqul aadanaha, ardayda, iyo cilmi-baarayaal si ay uga caawiyaan inay si wanagsan u fahmaan, una aqoonsadaan arrimaha la xiriira xuquuqul insaanka.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin ilaalinta iyo dificaacidda xuquuqda aadahana dalkeena Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Xoghayaha Hay’adda UNASOMALIA ama UNASOM, Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed mar uu ka hadlayay tababarka.

Inta uu socday tababarkan ayaa qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha laga codsaday soo jeedeeyiyaan fikradahooda ku aadan sidii loo horumarin lahaa iskaashiga hay’addaha bulshada rayidka marka ay timaado in ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Qaar ka mid ah Ururada bulshada Rayidka ah ee ka qeyb galay kulanka ayaa soo bandhigay fikrado cusub oo ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyagoo sidoo kale la wadaagay waxqabadkooda iyo waxyaabaha mudnaanta u leh sanadka 2023-ka.

Tababarkan oo ah mid sanadkiiba mar ay qabato Hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaliya ayaa waxaa sanadkan martigeliyay laguna qabtay Xarunta Daraasaadka Sarre ee Jaamcadda Accord.

Inkabadan 500 qofood oo iskugu jira madax ka socoto ururada bulshada Rayidka ah, dadka u dooda xuquuqda aadanaha, arday, ururada dhalliyadara ka dhisan Maamul Gobaleeydyad, culimo’udiin, iyo aqoonyahanno ayaa ka soo qeyb galay tababarkan.

Gabagabadii, ka soo qayb galayaasha oo u badnaa dhallinyaro ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo kaarar xubinnimo si ay u sii wadaan la shaqaynta UNASOMALIA ee ku aaddan xuquuqul insaanka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor