Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa lagu qabtay munaasabad loogu baroor diiqayay allaha u naxariistee Almaas Elman oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Xafladda Baroor diiqda ah ee ka dhacday Canada waxaa ka qeybgalay qooyska Almaas Elman oo u soo duulay dalkaas maadaama dhalashada labaad ay ka haysatay gabadhooda,sidoo kalana waxaa gobjoog ahaa Soomaalida ku nool dalkaas iyo Ajaanib u dhalatay Canada.
Almaas Elman oo aheyd gabar ka shaqeynaysay u doodidda xuquuqda aadamaha ayaa 20-ka bishii November waxaa lagu dhex togtay xerada Xalane xili ay ka soo baxday xafiis ku yaalla gudaha xaruntaas.
Dowladda Somalia iyo taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay in la bilaabay baaritaanka kiiska lagu dilay Almaas Elman iyada oo gal dacwadeed ay furteen saraakiil ka tirsan waxaada dembi barista CID-da oo aqoon u leh baaritaanada kiisaska noocaan oo kala ah sida taliyaha booliisku uu u shegay Warbaahinta in kasta oo aan weli la shaacin natiijada baaritaankaas.