Mas’uuliyiin uu horkacayey guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxa ay Maanta socdaal dhanka amniga ku ku mareen xaafado ka tirsan Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.
Socdaalka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehlinayey Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Magalada Jowhar iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Hir-Shabeelle,iyaga oo tegay goobo ay ka mid ahaayeen Warshadii Sokorta soo saari jirtey ee
“Waxaan Socdaal kusoo maray qeybo kamid ah Magaalada Jowhar Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle si looga warhaayo baahiyaha Bulshada ee aan matalno,Waxaan ku faraxaanahay iney caasimadda tahay Meel amaankeedu leysku haleyn karo ayuu yiri Guddoomiye Cismaan Barre.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kormeerka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.