Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiid ay la socdeen Ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay duleedka degmadaas.
Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxa oo ahaa Minada nooca dhulka lagu aaso ciidamada AMISOM lagula eegtay tuulada Gololeey oo 10Km dhanka Woqooyi kaga beegan Degmada Balcad.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa wax ay sheegayaan in halka uu qaraxa ka dhacay laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa,waxana Ciidamada qaraxa lala eegtay ee AMISOM ka yimaadeen dhanka degmada Jowhar.
Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas duleedka Balcad lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM,iyada oo ay tahay xilli habeen ah isku-socodka Gaadiidka iyo dadka uu yaryahay.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.