Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Gaar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kawada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka ayna qeyb uga qaadan lahaayeen Odayaashu Hormarka Galmudug iyo arrimo kale.
Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo Hay’addaha Amniga si aysan u dhicin falal ami darro,isla markaana waxaa uu intaas ku daray in shacabka reer Cadaado iyo Odayaasha dhaqankaba wax walba oo dhacay looga baahanyahay in laga noqdo xalay dhalay Tabasho walba oo ay qabaana uu diyaar uu u yahay in la xaliyo.
Odayaasha dhaqanka ayaa kaga mahadceliyay Madaxweynaha sida uu diyaarka ugu yahay in la xaliyo waxba walba oo ay qabeen Reer Cadaado iyaguna ay marwalba ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyna Maamulka.