Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta la kulmay Odayaasha dhaqanka Guud ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo maalmahan qeyb qeyb ula kulmayay odayaasha dhaqanka ayaa Maanta si Guud ula kulmay waxa uuna kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Nabada Magaalada Gaalkacyo la shaqeynta Maamulka.

Kulamadan oo si isdaba joog ah maalmahan Madaxweynaha Galmudug uu la qaadanayay Odayaasha dhaqanka,Dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada iyo Maamulka Degmada ayaa intooda badan waxa looga hadlay Sidii loo sii xoojin lahaa nabada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo in si dhaw loola shaqeeyo Ciidamada Amaanka ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media