Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo War kasoo saaray Qaraxii lagu dily Wasiir Lugbuur

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeedย  ee uu ka baxayย  Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed oo maanta Al-shabaab ay ku dileen Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed.

Qoraal uu soo saaray Lafta-gareen ayuu Marxuumka xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu xilalka kala duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed, hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Koonfur Galbeed

โ€œInnaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaaย  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo

About Webmaster

View all posts by Webmaster