Sawirro:- Madaxweyne Farmaajo oo maanta daahfuray manhajka waxbarashada dalka ee dugsiga hoose iyo Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media