Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Kulankan waxaa goob joog ahaa, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), iyo qaar kamid ah Lataliyeyaasha Madaxweynaha.