Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Magaalada Johannesburg kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,kadib markii halkaasi uu uga qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Cyril Ramaphosa.
Hoolka uu kulanka ka dhacaayay xalay ayaa waxaa ku sugnaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika,kuwaasi si weyn ula kulmay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad u jeediyay Jaaliyaddii uu kulanka la qaatay,isla markaana uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale qaar kamid ah Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ula kulmay,iyadoona ugu baaqay Farmaajo in wax laga qabto dhibooyinka loo geysanayo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika.
Munaasabadda ka dhacday Magaalada Johannesburg ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiga Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow iyo Wafdigii la socday Madaxweynaha uu qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.