Madaxweynaya Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi Mr. Werber Schultunk iyo Isuduwaha Hay’adda ICRC Puntland Emmanuel Lippolis.
Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani.
Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac.
“Madaxweye Deni wuxuu xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulka cusub ee UNICEF usoo magacowday Soomaaliya Mr Werber Schultunk iyo xubno ka tirsan saraakiisha Hay’addaasi, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada-shaqayn lahaa iyo in UNICEF sii joogtayso mashariicda ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland”.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay madaxda UNICEF in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka jira ee ay soo gudbiyaan, taas oo uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay taasi, si looga jawaabo baahiyaha jira” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Isuduwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis Iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Cabdifataax Fandhaal, waxaa ka warbixiyey kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.