Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Boosaaso,kadib Safarkii Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kadib Safarkii maalmihii la soo dhaafay uu ku sugay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni iyo wafdigii la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qeybaha  kala duwan Bulshada ku dhaqan halkaas.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uga qeyb galay Xaflada Caleemo-saarkii Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,isagoona kamid ahaa Madaxdii lagu Casuumay Xaflada.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ka soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland,waxaana halkaas ka soo qaaday diyaarad qaas ah oo ka dejisay Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland intii uu ku sugnaa Kismaayo waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay wafuudii ku sugneyd Kismaayo,isla markaana la qaatay shirar wadatashi oo looga hadlay arrimaha siyaasadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media