Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdiga la socdo ayaa waxaa Marka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,xubno ka tirsan maamulka Degmada,Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Marka.
Intaasi kadib ayaa wafdiga waxaa loo soo galbiyay Xarunta maamulka Degmada Marka,halkaasi oo ay ku sugan yihiin dadweyne farbadan iyo Mas’uuliyiin kale duwan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Marka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Gobolka Shabeellaha,kan Degmada,Waxgaradka iyo Bushada halkaas ku dhaqan.
Ammaanka guud ee Marka ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Degmadaas.
Waa Safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegay Degmada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.