Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kullan la qaatey Wafdi ka socoda Qaramada Midoobay Iyo Dowladda Fedaralka Soomaaliya oo Baydhabo soo gaarey .
Wafdigan oo isugu jira Wakiilka Qaramada Midoobay u qaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha ka dhanka Haweenka Goobaha dagaalada ka socoda iyo wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo.
Waxanaย Garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Arrimaha Haweenka iyo Wasiirka gaarka Maareynta Masiibooyinka DG KGS .
Waxana intaasi ka dib kulan ay la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ,waxaana Kulanka qeyb ka ahaa Wasiirada Wasaradaha Qorsheenta , Gargaarka Maareynta iyo Masiibooyinka, Cadaaladda iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale ,
Waxana Inta Badan kulanka Looga hadlay Arrimaha Haweenka sidii Doorkooda uga muuqan lahaa maamulada dalka .
kulanka ka dib Warbaahinta ayaa si wada jir ah ula hadleen ,waxaana ugu horeyn Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha Ka dhanka Haweenka Goobaha Dagaalada ka socoda Pramilla patten iyo Wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, waxana ay sheegen Ujeedka ay usoo gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ugala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka .
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga ka socoda Qaramada Madoobey iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ,ay kawada hadleen sidii udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Haweenka Maamulada.