Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaareen Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jeddah ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga iyo xubno kale.
Intaasi kadib Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaatay Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdu lcasiis,iyaga oo kawada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga, nabad ku soo dabaalida Gobolka,iyo arrimo kale oo xasaasi ah.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Jeddah kula kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.