Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Goordhow waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne Xaaf iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb galayaa Shir wadatashi ah oo halkaasi uga furmi doono Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugan oo gaaray Madaxda maamulada sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle,waxaana sidoo kale ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in Maanta halkaasi uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Farmaajo si uu uga qeyb galo Shirka wadatashiga ah ee isugu yeeray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.