Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Maantana lagu doortay Magalada Garoowe ayaa la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Maanta gaaray Magalada Garoowe.
Wafdiga oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxaana dhawaan loo diiday inay tagaan Garoowe.
Wafdiga ka socday Dowladda Federaalka ee uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa ay hambalyo u direen Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ayaa wfadiga dowladda Federaalka kusoo dhaweeyay Magalada Garoowe,waxana sidoo kale saacadaha soo socda ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Puntland.