Howlgal Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Caawa ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen maandooriye iyo dad ka Ganacsanayay.
Howlgalka ayaa intii socday waxa ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen 15 Ruux oo mid ka mid ah ay haweeney tahay oo ka Ganacsanayay Maandooriyaha Xashiishka loo yaqaano.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ku guuleysteen in howlgalkaas uu u dhaco sidii loogu talo galay,isla markaana ay albaabada isugu dhufteen Goobtii lagu iibin jiray.
“Caawa Waxaan Albaabada isugu dhufanay Xarumo Si qarsoodi ah loogu iibin jiray Maandooriyaha Xashiishka Oo ah mid waxyeelo Gaarsiiya Maskaxda Aadanaha Waxaana Ka soo qabanay 14 rag ah iyo Gabadh. Dhalinyaroy Kafogaada Maandooriyaha Si Maskaxdiina Ubadbaado.
Degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ka jira goobo lagu sameeyo laguna iibiyo waxyaabaha maanka dooriya wallow Maamulada degmooyinka ay sameynayaan howlgallo ay uga hortagayaan.