Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo dhawan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda kulamo isdabajoog ah oo ay qeyb ka yihiin musharixiinta Madaxweynaha KGS.
Musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa maanta Baydhabo kula kulmay ku Simaha Madaxweynaha KGS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye Iyo gudoomiye Xigeenadiisa oo uu wehlinayay  Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.
Kulan ayaa la isla soo hadal qaadey hanaanka Doorashada ay u dhici laheed 17Nov. Shariif Cabdala ayaa Sheegay in muhiim tahay in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin,xilli maalma kooban ay doorashada ka harsan tahay.
Musharax Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa bogaadiyey sida ay u socoto howsha doorashada maamulka koonfur galbeed somalia.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulamo gooni gooni ah oo ay kusimaha Madaxweynaha ahan Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayaan musharxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo kala hadlayay arrimaha doorashada.