Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Maanta ka dhacay goob maqaaxo Shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad ku sugan Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada ay ahaayeen Miinooyin la geliyey laba maqaaxi oo Shaaha laga cabo,isla markaana ay qarxeen,iyada oo ay Goobta ku sugnaayeen dad farabadan.
Inta la xaqiijiyey qaraxyadaas waxaa ku dhintay Saddex Ruux oo Shacab ah iyo dhaawaca 8 kale kuwaas oo qaarkood dhaawacooda loo qaaday Magalada Nairobi ee dalka kenya.
Maqaayada qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay u dhow dahay Saldhiga Booliska degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida uu sheegay Cabdi Cabdullahi Aaden oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee degmada Ceelwaaq.
Xaalada degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa haatan ah mid caadi ah,iyada oo la filayo in Maamulka degmada iyo taliska booliska degmadaas ay ka hadlaan.