Kulanka Maanta Mudanayaasha Golaha Shacabka ay yeesheen Xarunta Golaha ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Mudanayaasha Kulankaan Soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 173 Mudane
Ajendaha Kulanka maanta ayaa ahaa soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
iyo sidoo kale warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka
iyada oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo xiray Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka
Mudanayasha ayaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo Arrimaha Dastuurka
intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda isagoo uga mahad celiayay Shaqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Baarlaamanka Maanta.