Sawirro:-Guddoomiye Yariisow oo amray in la banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray.

“Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media