Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulka koonfur ย Galbeed kaas oo ay uga hadleen xaalada amni ee Koonfur Galbeed iyo isbedelada jira.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,waxana leysku soo qaaday xaalada amni ee Koonfur Galbeed,iyada oo amar la dul-dhigay Golaha Wasiirada Maamulkaas.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo kulanka warbixinayay ayaa sheegay in Wasaarad walba lagu amray in wixii agab ah ay heyso qoraal ahaan u keenaan Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed si aysan u dhicin ku tagrifal hantiyadeed.
Geba gabadii Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheehunaa Maye ayaa Wasiirada faray in ay waajibaadkooda Shaqo sii wataan.