Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada Jubbaland.
Kulankan waxaa ay golahu dood dheer iyo qiimayn ku sameeyeen Xeerka dhismaha gudiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
Golaha ayaa si buuxda u meel mariyay xeerkan oo lagu soo dhisayo labo gudi oo muhiim u ah geedi socodka Jubbaland dhawaan ayaa Baarlamaanka la horgayn doona si ay u Ansixiyaan isla markana waxaa la guda gali doona dhismaha gudiyadan oo ka shaqayn doona Arimaha Xuduudaha iyo Doorashooyinka.