Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow  kulankoodii caadiga ahaa waxa uu uga furmay Magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad),waxaana ka qeyb galaya inta badan Xildhihaanada Aqalka sare.
Ajendaha kulanka Magaalada Muqdisho uga socda Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo hadlayaa Labada qodobo oo kala ah.
Dhagaysiga daraasaad ku saabsan nidaamka federalka dalalka kala duwan ee caalamka iyo doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada.
Diyaarinta ajandaha kulanka 13aad ee golaha.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray Wadooyinka soo kala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Aaqlka sare ee Magaalada Muqdisho,iyadoo aad loo adkeeyay amniga Magaalada.